R/wasaare ku xigeenka Dalka oo kormeeray xarunta Wasaaradda Macdanta

0

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Avv. Mahdi Mohamed Gulleid Khadar ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaraddaasi Md Cabdirashiid Maxamed Axmed oo uu weheliyo Wasiir ku xigeenkiisa Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal ayaana Ra’iisal wasaare ku xigeenka kusoo dhoweeyay Xarunta Wasaaradaasi.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaana kulan saxaafaddu dibad joog ka tahay oo ujeedkiisu yahay isla xisaabtanka shaqadda Qaranka la yeeshay Wasiirka, Wasiir ku xigeenka iyo Agaasime waaxeedyadda Wasaaradda Macdanta iyo Baatroolka ee Soomaaliya.

Markii kulankaasi soo dhamaaday waxaa uu R/w ku xigeenka Soomaaliya Md Khadar ayaa soo arkay sida shaqaalaha Wasaaradaasi ugu adeegayaan shacabka, waxaanna uu mid mid isu dul taagay xafiisyadda ay ka kooban tahay Wasaaraddu.

Intaa kadib Ra’iisul ku xigeenka Xukuumadda Federaalka ah oo ay weheliyaan Wasiirka Macdanta iyo Batroolka iyo ku xigeenkiisa ayaa kormeer ku tegey Haamaha Kaydka Shidaalka ee Muqdisho, Maareeyaha Haamaha kaydka shidaalka ayaana Ra’iisul ku-xigeenka iyo Wasiiradda warbixin ka siiyay shaqadda ay hayaan.

Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Batroolka Md Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal ayaa Saxaafadda la hadlay markii kormeerku soo dhamaaday.

”Dardargelinta iyo dhamaystirka Qorshayaasha horyaala Wasaaradda ayay tani qayb ka tahay, Ra’iisal wasaare ku xigeenka Dalkuna waxa uu kormeerkiisan shaqo kasoo bilaabay Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka si uu xog uga helo hanaanka ay shaqaddu u socoto, wuxuuna warbixino ka dhegaystay Shaqaalaha Wasaaradda. Sidoo kale R/w ku xigeenka Waxaanu warbixin ka siinay qorshayaasha shaqo ee Wasaaradda horyaala oo uu kamid yahay Hindise sharciyeedka Shidaalka ee horyaala Golaha shacabka & sidoo looga shaqayn lahaa in Barlamaanku ay meel mariyaan. Waxa kale oo uu R/w Ku xigeenku kormeerkiisa kusoo maray Haamaha kaydka Shidaalka.” Ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Batroolka ee Soomaaliya Md Maxamuud.