Madaxweyne Gaas oo Gaadhey Taliska Ciidanka Badda ee Imaaraadku Tababari jiray

2

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka ku sugan xarunta deegaanka QAW ee ciidanka badda Puntland, wuxuuna shir albaabadu u xiran yihiin la leeyahay Saraakiisha ciidamada ee Soomaalida & Imaaraatka Carabta iskugu jirta ayna ka wada hadlayaan waxyaabihii dhacay.

Qaar kamid ah warbaahinta oo la socda madaxweynaha dowladda Puntland ayaa soo sheegaya inuu Madaxweynuhu ka hadli doona arrimahaasi marka ay dhamaato booqashada uu hadda ku marayo qeybaha kala duwan ee Saldhiga ciidamada badda Puntland.

Comments are closed.