Macalin Jaamacadeed oo Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho (Akhriso)

0

Kooxo Hubeysnaa ayaa  Xaafadda Oodweyne ee Degmadda Deyniile waxa ay ku dileen Nin la Sheegay in uu Macalin ka ahaa mid kamid ahaa jaamacadaha  Magaaladda Muqdisho .

Mas’uulka oo lagu magacaabi jirey Sheikh Ismacil Xaaji Cadow Nuur ayaa la sheegay inta aan la dilin ka hor ka soo baxay Garaash uu ku xareestay Baabuur uu lahaa oo ku yaala Xaafadda Oodweyne.

Kooxihii ka dambeeyay dilka ayaa isaga baxsaday goobta uu dilka ka dhacay,waxaana durbadiiba gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Sheikh Ismacil Xaaji Cadow Nuur uu ahaa Gudoomiyihii Golaha Shuurada ee Ururka Xisbul Islaam oo muddo sanooyin ku sugaan magaalada muqdisho,kadibna ku biiray  Al-shabaab.