Dowladda Soomaliya oo go’aan ka gaadhay Xidhiidhka kala dhexeeya Imaaraadka Carabta

0

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Imaaraadka Carabta ay wadaagaan xiriir xooggan oo siyaasadeed, dhaqaale iyo mid dhaqan oo soo jiray qarniyo, iyadoo Madaxda Soomaaliya ay xaqiijiyeen inay go’an tahay xoojinta xiriirka labo geesoodka ee ka dhaxeeya labada dal.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku qornaa afka English-ka in Soomaaliya horumar weyn ku sameystay siyaasadda iyo dhaqaalaha, si dib loo dhiso hey’adaheeda, isla markaana Soomaaliya ay rajeyneyso in Imaaraadka Carabta ay gacan ka geysato dadaaladaas.