DHEGAYSO:- Taliyaha Taliska Ciidanka xooga oo beeniyaay in la Bililqaystay Xarunta Gen Gorod

1

Ka dib warar been Abuur ah oo ay baahiyeen warbaahinta ka howlgasha magaalada muqdisho oo ay ku sheegeen in ciidamo ka tirsan xoogga dalka soomaaliya ay bililiqeesteen xarunta tababarka general gordan ayaa waxa arintaasi ka hadlay taliska ciidanka xoogga dalka soomaaliya.

Taliyaha Hogaanka siyaadsada iyo wacigalinta ciidanka xoogga dalka G/sare Cabdi Xamiid sheikh cali Xaydar oo la hadlay idaacada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in ay been abuur tahay wararka ay baahiyeen Idaacadaha muqdisho isla markaasine uu maanta xerada uu booqday abaandullaha ciidanka xoogga dalka

G/sare Cabdi xamiid sheikh cali xaydar waxa uu dhanka kale beeniyay in ciidamada xoogga dalka uu iska hor imaad uu ku dhax maray gudaha xerada waxa uuna xusay in macalimiinta tabarayaasha iyo ciidamo ka tirsan xoogga dalka ay hada ku sugan yihiin gudaha xerada general gordan

Comments are closed.