DHEGAYSO:- Dr Sadeq Enow oo ka hadlay Hadalki Madaxweyne Gaas ee Imaraadka

Wasiirkii hore ee W. caafimaadka PL Dr. Saadiq Enow ahna qoraa taxliiliya siyaasadda caalamka gaar ahaanna tan Somaliya ayaa wareysi uu siiyey Warbaahinta Guddaha wuxa uu kaga hadlay wadahadalka la sheegay inuu u socdo dawlaha Somaliya iyo Imaaraadka Carabta, iyo hadalkii Madaxweynaha PL ee ahaa inaan waxba iska badalin xiriirkii Puntland iyo Imaaraadka ayna sidoodii u socdaan mashaariicdii Imaaraadku ka waday deegaanada Pl.

Dr. Saadiq Enow ayaa dalka Imaaraadka ku tilmaamay horor dullaan ku ah dekadaha Somaliya si uu u difaaco dekadihiisa, halka madaxda Somalidana uu ku sifeeyey hoggaamiyeyaal ku fashilmay hawshii loo igmaday.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (6)

  1. Maxamuud Saleebaan says:

    Micno ma leh warkiisu sababahaan dartood:
    1- Gaas ayaa isga oo aan fileyn eryey.
    2- waa is sharaxey, oo ha lagu arko ayey ka tahey.
    3- Imaaraadka ayaa u diidey, kana eryey dalkooda
    4- Ma aha nin caqli badan oo sida wax u jiraan garan kara.oo indha cadde ayuu la garashada iyo caqliga kala mid yahey.

  2. Mahad says:

    Ma adigaan marka ku rumeysanaa oo xitaa magacaada ku dhici waayey inuu sheegto oo mid qabiil dabada la galay waxaad tahay intaa ayaa nagaga filan ex wasiir warkiisu waa cadyahay magaciisa iyo wejigiisa midna ma qarsan sideedana dadka xun ee aan isku kalsooneyn ayaa ku mashquula shakhsiyada dadka kale iney wax ka sheegaan oo ay toos u weeraraan ninkaan fikir ayuu ka hadlay ee ka jawaab waxa fikirkaada yahay iyo mawduuca iimaaraatka iyo Soomaaliya waxa aad ka qabtid ama aad ka aaminsantahay adigoo qof aan ku xadgudbin weli alle ayeey soomaaliya afarteeda gees nooga buuxaan camiilo dalalka kale u shaqeeya oo ka jecel dalkoodii iyo ciidoodii hooyo.

  3. Ali Farah says:

    Eenow wuxuusan fahmin in masuuliyadi ka saaran tahay Mr. Gaas Puntland marka koowaad, iyo marka labaad iyo marka sedexaad. Danaha, dhaqaalaha iyo horumarinta Puntland wixii dan u ah in uu taageero. Geeljiruhu geela waa wada jiraa, waana kala jiraa.

  4. abdi says:

    ASCWRWB WAR HEEDHAYO SOOMAALIYA WAXAY KA SHAQEYN LADAHA MAJEERTEENLAND IYO ISAAQLADAR LABADAAS QABIIL WAA KUWA SOOMAALIWEYN WADNAHA GOOYEY BAL HADA FIIRIYA DOWLAD SOOMAALIYA AYAA IS HEYSTA IYO IMAARAADKA WAA KAN CUMAR MAXAMUUD MAJEERTENLAD NA HAYO ANIGA WAXAA NAGA DHAXEEYO QALAQAAD MARKA SOOMAALIWEYN HA ISKA SAMRAAN

  5. cali siciid says:

    waxaan u arkaa siyaasad cadaadis Gaas kaga yimid golihiisa wasiirada iyo waxgaradka puntland iyo dowlada federalka oo aad moodo inay laxisaabtanto imaaraadka su’aasha in aan iswaydiinaa mudan waxa weeye sidee looga hortagaa oo loo soo bandhigaa lacaga sandareerada ah oo caada qaatayaasha soomaaliyeed ay ka qaataan ajaanibta khaasatan imaaraadka waxaan ognahay waxbadan oo qaldan puntland

  6. ali says:

    Warkan eenow waa war dan u ah dalkeena iyo dawladeena soomaaliya,waana hadal wadani runa ku qotama.sidaas ayaan u arkaa.




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

DHAGEYSO:-Wasiirka Maaliyadda soomaaliya oo markii ugu horeysay ka hadlay lacagtii imaaraadka ee garoonka muqdisho lagu qabtay
- Apr 20, 2018
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya CAbdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka ...
DHEGAYSO:-Xukuumadda Soomaaliya Oo Beenisay In Dowladii Hore Imaaraadka Heshiis Kala Gashay Dekada Berbera
- Apr 20, 2018
Maalma ka hor Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibada Imaaraadka Carabta Anwar Qarqaash ayaa sheegay ...
Taliyihii Ciidamada Suudaanta Koofureed Oo Geeriyooday
- Apr 20, 2018
Wasiirka warfaafinta Koofurta Suudaan, Michael Makuei Lueth, ayaa sheegay inuu Maanta oo Jimca ah ...
Guddiga Difaaca Baarlamaanka oo Sharaxay Sharciga Xaq-siinta Ciidanka.
- Apr 20, 2018
Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo kamid ah Xubnaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Federalka Soomaaliya oo la ...
Wasiir Beyle oo Rajo ka muujisay in Deemaha laga Cafiyo Soomaaliya.
- Apr 20, 2018
Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb galaya ...