DHAGEYSO:-Wada hadal u socda Soomaaliya iyo Imaaraadka

0

Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo maalmahan khilaafkooda uu cirka isku shareeray ayaa waxaa u bilowday wada hadal ay kaga wada hadlayaan xiisada u dhaxeysa labada dal.

Kulamada wada hadalka ah ee u dhaxeeya labada wadan ayaa waxaa yeelanaya Madaxda ugu sareysa ee Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya, oo ka xaajoonaya sidii Caleemo qoyan loo saari lahaa xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in aysan jirin dhexdhexaadin socoto iyo kulamo lagu balamay, balse uu jiro wada hadal meel wanaagsan maraya oo u dhaxeeya Madaxda sare ee labada dal.