DHAGEYSO:-Madaxweyne Gaas oo Caddeeyey Inaysan Cidna Ku Doorsanayn Taageerada Imaaraadka Beeniyeyna Inuu Ka Baxay Puntland.

0

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxa uu markii ugu horaysay ka hadlay wararka sheegayey in dowladda Imaaraadku ay joojinayso tababarka ciidanka badda Puntland ee PMPF.

Mudnae Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha dowladda Puntland ayaa aad ugu dheeraaday xariirka ganacsi ee u dhaxeeya Soomaaliya & Imaaraatka Carabta, wuxuuna sheegay in uu Puntland qiimo weyn ugu fadhiyo xariirka Imaaraatka oo ay ilaalin doonaan wajibaadna ka saaran yahay.