Akhriso:-Imaaraadka carabta oo ku dhawaaqay in la xidhay isbitaalkii sheekh zayed ee muqdisho

0

Sida lagu daabacay Wareyska Alceyn Imaaraadka ka soo baxa ayaa daabacay in gabi ahaanba albaabada la iskugu dhuftay isbitaal weyn oo uu Imaaraadka Carabta ka furay magaalada Muqdisho ee lagu magacaabo Sheekh Zayed Hospital.

Arrintaan ayaa imaaneysa xilli uu aad usii xumaaday xidhiidhka ka dhexeeyay labada dal ee Imaaraadka Carabta iyo Somalia kadib markii dowladda Somalia ay ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qabatay diyaarad Imaaraadku lahaa oo siday lacag malaayiin dollar ah.