Siyaasiga C/Raxmaan Cabdi Shakuur Oo Laga Qaaday Xayiraadii Dhanka Safarada

0

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa la sheegay in dowladda Soomaaliya ay xayiraadii dhanka Safarada ah ay ka qaaday kadib markii Xeer ilaalinta Qaranka ay ku soo eedeysay fal la xiriira qiyaano qaran.

Siyaasiga ayaa horay 17 Bishii December Sanadkii tegay ee 2017,waxaa hooygiisa weeraray Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-Sugida Sooomaaliya,iyaga oo xiligaas dilay 6 ka mid ahaa ilaaladiisa.

Shalay gelinkii dambe ayuu ka dhoofay Garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee Magalada Muqdisho ,waxa uuna Bartiisa Facebook ku soo qoray in uu safar u yahay dalka Kenya,isaga oo soo bandhigay sawir muujinaya in uu ku sugan yahay Garoonka diyaaradaha Aadan cadde isaga oo ku wajahnaa dalka Kenya.