DHAGEYSO:-Khilaaf ka dhax taagan baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle

0

Waxaa soo if baxaya khilaaf u dhaxeeya mudanayaasha baarlamaanka Hirshabeelle, kuwaas oo ku kala qeybsamay kulamada baarlamaan kaas oo qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa sheegay in uusan qab soomin kulamada baarlamaanka muddo ku dhow dhowr bilood.

Kuwaas oo qabsoomi la`aantaas lagu eedeeyay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre.

Waxaa kaloo ay sheegeen in inta badan xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle aysan aheen kuwoo ku sugan magaalada Jowhar oo ah xarunta maamulka Hirshabeelle, taasina ay qaab ka qaadatay qabsoomi la`aanta kulamada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Hoos ka dhageyso codka