Xuska Sanad Guuradii 58-aad Ee Xooga Dalka oo ka Socota Muqdisho

1

Munaasabad lagu Xusayo Sanad guuradii 58-aad ee Aas-aaska Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya ayaa ka socota Magaalada Muqdisho gaar ahaan Wasaarada gaashaan dhiga Dalka.

Munaasabadaan lagu Xasuusanayo Markii aas-aasay Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya 12-April Sanadkii 1960 ayaa waxaa udabaaldagaya Ciidanka Xooga oo muddo bur-bursanaa kuwaasi oo maanta Sameyn doona Dhoolatus ku aadan Awooda Militari ee soomaaliya,iskastoo hada Muqdisho aan lagu arkayn Diyaarado dagaal oo Soomaaliya ay leedahay,Badana aysan Maraakiib Dagaal ku soo Wareegi doonin.

Xuska 12-April ayaa ka sooqeybgala Madaxda Sare Dowlada Soomaaliya,Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida ee dalka iyo Mus’uuliyiin ka socota Wadamada Saaxiibka militari la ah Soomaaliya kuwaasi indhahooda ku arkaya Awooda Ciidan ee Jamhuuriya Soomaaliya oo ka soo ka banaysa Dagaal Sokeeye.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ahna Taliya Ciidanka Qalabka Muadane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa munaasabada ka jeedin doonan khubad ku aadan Higsiga Soomaaliya ee dhanka dhisamaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo Wax yaabihii uga qabsoomay isku dhafka Ciidamada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmihii la soo dhaafay ku shaqeynayey Xarunta Wasaarada Difaaca Qaranka si uu u dhiiri galiyo ciidanka qalabka sida, gaar ahaan ciidamada dagaalka kula jira Al-shabaab.

Wasiirka gaashaan dhiga Soomaaliya ayaa Shalay waxaa uu sheegay in Dowladda ay maanta oo ah 12-April ay la Wareegi doonto ciidamada Komaandooska ee uu Tababaray wadanka Imaaraadka Carabta sidaas oo umuuqata in Soomaaliya ay hoos u dhigayso Xiriirka Imaaraadka Carabta wixii ka danbeeyey markii Imaraadka Bilaabay Saldhiga uu ka furanayo Magaalada Berbera, Dowladda Soomaaliyana ay la Wareegtay Diyaarad Siday Malaayiin Doolllar oo aan la aqoonsan halka ay ku socto.

Comments are closed.