DHAGEYSO:-Madaxweynaha soomaaliland oo Ka Hadlay Colaadda Tukaraq

0

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi  ayaa la weydiiyey su’aal ku saabsan muranka xiisadaha dagaal sababay ee u dhaxeeya Puntland iyo maamulkiisa, wuxuuna beeniyey in ay galaan dhul ay maamusho Puntland.

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha maamulka Soomaaliland ayaa waxa uu sheegay in ay ciidamadoodu ka guureen deegaan kamid ah deegaanadooda oo ay isla deegaan kale tageen, isagoo sheegay in aysan garan karin ujeedo xiligan arrimahaas looga hadlo.

Dhanka kalena, Muuse Biixi ayaa waxa uu cadeeyey in uu jiro culeys xoog badan oo ay dhinacyo badan wadaan, gaar ahaana Puntland ayuu sheegay in ay ka doodayso tagida Somaliland ee Tukaraq.