Xiisad dagaal oo u dhaxeysa laba malayshiyo beeleed oo ka taagan Hiiraan

0

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay socoto waan waan lagu qaboojinayo dagaal beeleed maalmihii dambe ka soo cusboonaaday deegaano hoostaga gobolkaasi.

Ugu yaraan 7 qof ayaa lagu dilay in ku dhow 10 kalana wey ku dhaawacmeen ka dib markii dagaal laba malayshiyo beeleed ku dhexmaray degaanka Kubure oo hoostaga degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa badankooda ahaa dhinacyadii dagaallamayay iyadoo xiisadana ay ka bilaabantay dil aano qabiil la xariira oo degaankaas ka dhacay.

Dagaallada degaanka ayaa la sheegay inay dib usoo cusboonaadaan xilliyada abaaraha iyo marka uu roob ka curto, oo qeyb deegaanka ka mid ah oo dadka reer miyaga xoolahooda ula guuraan.