Culimada Wajer oo Loogu Baaqay in ay Wacyi Galin Ka sameyaan kufsiga ku soo Noqnonaya ismaamulkaasi wajer (Akhriso)

0

Taliyaha ciidamada police-ka ee degmada habaas weyne ee ismaamulka wajer ee dalkan kenya ayaa ka hadlay Faraxumeyn wiil yar oo 10 sano Jir ah ay u geysteen bishan sadex wiil oo dhalinyaro ah oo dhigta dugsiga sare.

Mr Caleb Wesa ayaa ugu baaqay culimada ku nool wajer in ay wacyi galin ka sameyaan arintaan si looga hortago falalka kufsiga ah oo bilihii la soo dhaafay ku sii kordhayay degaanada hoos yimaada dowlad goboleedka Wajer.

Dhacdadan Lagu Faraxumeyay wiilkan yar ee 10 jir ah. bishan April oo dhowr jeer ay kula kacen ardada dhigata dugsiga sare ayaa Fajac iyo ama kaag ku Noqotay bulshada ku dhaqan Magalada Habasweyn.

eedeysanayaasha ku kacay Falkaan ayaa loo Madlan yahay in ay Markale ka soo hormuuqdaan Maxkamada Wajer.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka kenya Freid Matiangi ayaa booqasho uu ku Tagay bishii Febrayo Magalada Wajer Balan Qaaday in Ciqaab adag ay Muteysan Doonto Cid Walba oo Lagu Helo Danbiyada la Xiriira Kufsiga.