Akhriso:-Shaqo ka joojintii lagu sameyay madaxa fulinta ee guddiga doorashadaoo dalka Kenya o kala qeybsanaan ka abuurtay guddiga IEBC

0

Shaqo ka joojintii madaxa fulinta ee guddiga doorashada iyo xuduudaha dalka Kenya IEBC Ezra Chiloba ayaa waxay mar kale kala qeybsanaan hor leh ka dhax abuurtay guddigaa dhaxdiisa.

Gudiga Wafula Chebukati ayaa u ambabaxay dalka Nigeria kadib markii uu shir gudoomiyaya kulankii kusoo dhamaaday in Chiloba fasax sedex bilood oo qasab ah oo loo diro.

Illo waredyo lagu kalsoonaan karo oo ay soo xigteen qaar kamid ah jaraa’idayda dalka Kenya kasoo baxo ayaa sheegayaa in tilaabada uu qaaday gudoomiye Chebukati saraakisha ku racsan ay yihiin Boya Molu iyo Prof Abdi Guliye halka kuxigeenka gudoomiyaha Consolata Maina iyo Paul Kurgat ay la safan yihiin Chiloba
Hasa ahaate waxaa la ogeyn halka ay la safan tahay Margaret Mwachanya oo kamid ah xubnaha ugu sareeyo ee gudiga doorashada waxaana la sheegay inay ku maqan tahay dalka isugu taga imaaradka carabta.

 

Ezra Chiloba oo horantii sanadkan dib ugu soo labtay shaqada kadib sedex bilood oo uu fasax ku maqnaa ayaa xaqiijiyay shaqada laga joojiyay waxuuna sheegay inuu wali helin gudoomiye Chebukati si uu fahfaahin uga helo fasaxa qasabka ah ee loo diray.

 

Chiloba ayaa waxaa lagu eedeynayaa inuu kadambeeyay wax isdabamarin lagu sameeyay qalab tachnlooji ah oo loogu tala galay doorashada taaso aan ilaa iyo hadda la helin.

 

Madaxa fulinta ee gudiga doorashada ayaa sheegay in isaga iyo kuxigenkiisa Marjan Hussein aanay ka qeyb galin kulankii shaqada looga istaajiyay oo ah mid bil walbo gudiga uu qabto