Wararkii ugu dambeeyay Khilaafka Golaha Shacabka & Halka uu saaka marayo (Akhriso)

0

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay kulamo kala duwan la qaatay dhinacyadda uu Khilaafku ka dhaxeeyo ee xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

 

Waxaa uu ka dhageystay dhinacyaddaasi sidda loo xalinkaro Khilaafka saameynta yeeshay ee golaha Shacabka.

 

Labadda dhinac ee la kulmay Madaxweynaha ayaa waxa ay usoo bandhigeen qodobo ay ka waddeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Gudoomiye ku xigeenka Koowaad Cabdiwali Muudey.

 

Wararka oo naga soo gaaraya xarunta Madaxtooyadda ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo uu dalbaday in uu la kulmo  Guddoonka Baarlamaanka.

 

Guddiyadda dhexdhexaadinta wada qaarkood ayaa xaqiijiyay in ay jirto isku soo dhawaansho ku aadan sidii loo soo Afjari lahaa Khilaafka.

Waxaa lagu waddaa in ay Warbaahinta la hadlaan Saacaddaha soo socda, islamarkaana ay faahfaahin ka bixiyaan Natiijadda kulamadii xalay dhacay.