Qurba-Joogta Rwanda ee jooga dalka Kenya Oo xusay Gaboodfalkii Rwanda ee 1994-kii

0

Boqolaal shacabka reer Rwanda ee ku nool gudaha dalkani Kenya ayaa isugu sooo baxay xus ay ugu baroordiiqayaan dadkii ku le’day xasuuqii ka dhacay dalkaasi Rwanda 1994-kii.

Isku soo baxani ayaa waxaa hogaaminayey safiirka dalkaasi Rwanda u fadhiya Kenya James Kimonyo, shacab badan oo reer Rwanda ah iyo saaxiibadood Kenyaanka ah.

Dadkani ayaa socod ku maray fagaraha caasimadda Nairobi ee Uhuru Park, bartamaha magaalada iyo wadada Koinange Street si ay tilmaan ugu noqoto muddo asbuuc ah oo baroordiiqdani socon doonto.