DHAGEYSO:-Khilaaf Ka Dhashay Qaadista Canshuurta Oo Ka Taagan Gobolka Hiiraan

0

Khilaaf xooggan ayaa  ka taagan qaabka Canshuurta looga qaadayo degmooyinka Gobolka Hiiraan,khilaafkaas oo taagnaa bilihii la soo dhaafay.

Masuuliyinta Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa cadeeyey in khilaafka dhanka Canshuur qaadista uu ka dhashay kadib markii laga diiday lacagta Shilinka Soomaaliga ah Baraha Canshuurta lagu qaado taas oo ah caqabada 1aad ee ka taagan gobolka Hiiraan.

Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Arrimaha Bulshada Maamulka gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa sheegay in Baraha ay ciidamada lacagta ku qaadaan ay diideen lacagta Shilinka Soomaaliga ah taas oo ay cabasho ka keeneen Ganacsatada.