Ciidamada itoobiya oo baneeyey saldhigyo ay ku lahaayeen magaalada dhuusamareeb

1

Wararka naga  soo gaaraya Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in qaar ka mid ah Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa Magaaladaas ay bilaabeen in ay isaga baxaan.

In kastoo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Maamulka Galmudug aysan shaacin sababta bixitaankooda Ciidamada Itoobiya ayaa hadana waxaa lagu soo waramayaa in ay u dhaqaaqeen dhanka Xadka Gobolka Galgaduud uu la leeyahay Itoobiya.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa xaqiijiyey bixitaanka Ciidamada Itoobiya,oo Saldhigyo qaar ka guuray halka kuwo kale ay ku sugan yihiin.

 

Comments are closed.