Akhriso:hogaamiyaha NASA iyo gudoomiyaha xisibga Ford Kenya o is fahmi wa so kala dhaxgalay.

0

Mashaakil ayaa ka dhex aloosan mas’uuliyiinta isbaheysiga mucaaradka NASA iyaga oo sii wada muran sii daba dheeraaaday oo ka dhex jira hogaamiyaha NASA iyo gudoomiyaha xisibga Ford Kenya isla markaana isagu ah senator-ka degaanka Bungoma

Mr. Moses Wetangula waxaana haatan uu ku dhawaaqay in isaga iyo hogaamiye Raila aysan waxba isku darsan doonin.

Senator Wetangula ayaa sheegay in ay dhanka aragtida ay ku kala qeybsameen hogaaamiyaha isbaheysiga NASA Raila Odinga.

Wetangula ayaa ka hadalayey degaanka Bungoma Sabtidii waxaana uu sheegay in go’aankani uu qaatay xilli uu la kulmayey isla markaana wada tashiyo uu la sameeyay odayaasha beesha Luhya-da si loo sii ambaqaado horumarka beesha iyo kor u qaadista bulshada Luhyada.