Madaxweyne ku-xigeenka dalka kenya oo mar kale baaq u diray siyaasiyiinta

0

Madaxweyne ku-xigeenka dalka kenya William Ruto ayaa mar kale ugu baaqay siyaasiyiinta inay joojiyaan ka hadlida cida u sharraxan islamarkaana ku guuleysan doonta doorashada 2022-ka.

Ruto oo ka hadlayay Keroguya oo katirsan degmada Kiriyanga ayaa waxaa uu sheegay in Kenyanka ay u baahan yihiin in loo fuliyo ballan qaadkii dowlada Jubilee sidaas awgeedna lagama maarmaan ay tahay in meel iska dhigo siyaasada maadama xiligeeda lasoo dhaafay.

Hoggaamiyaha labaad ee dalka Kenya ugu jago sarreeya ayaa ku nuuxnuuxsaday in dowlada uu hoggaamiyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ay ku mushquulsan tahay sidii loo hirgalin lahaa afarta qodob ee hiigsiga ah ee dowlada Jubilee ay hiigsanayso shanta sano ee soo socota.

Dhinaca kale Madaxweyne kuxigeenka ayaa ugu baaqay waalidiinta in aanay bixinin wax lacago ah hadii maamuleyaasha dugsiyada ay amar noocas oo kale ah soo roogaan maadama sida uu sheegay dowlada ay bilaash ka dhigtay dusgsiyada dowlada ay maamusho kuwa hoose dhaxe iyo kuwa sare intaba.

 

Hadalkan ayuu ka jeediyay Kerogoya oo ka tirsan degmada Kiriynaga xili uu daah furayay dhisida waddo ay dowladu horay u ballanqaaday dhismaheeda.

 

Si kastaba ha ahaatee, maalmihii lasoo dhaafay ayaa siyaasiyiinta dalka kenya waxay si weyn u hadal hayeen cida u tartameysa doorashada xilka madaxweyne sanadka 2022.

 

Ruto iyo Kalonzo Musyoka ayaa shaaciyay inay u tartamayaan xilka ugu sareeya ee ah kan madaxweynenimo 2022 balse waxaan la ogeyn mudadaasi ka hor siyaasada dalku siday isku badaleyso.