Dhageyso”Jawaari”Farmaajo Ayaa Masuul Ka Ah Wixii Berito Ka Dhaca Xarunta Golaha Shacabka

0

Gudoomiyaha barlamanka soomaaliya maxamed sheekh cismaan jawaari ayaa shir jaraa’id oo uu galabta ku qabtay muqdisho ku sheegay in laga codsaday inuu is casilo balse uu ka biyo diiday

Jawaari ayaa farmaajo ku eedeeyey inuu la saftay xildhibaanadii waday mooshinkii ka dhanka ahaa,isagoo tilmaamay in fadhiga berrito lagu balansan yahay wixii ka dhaca ay masuuliyadooda qaadi donaan Madaxweynaha Iyo Raysul Wasaaraha.

Gudoomiye Jawaari ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in xukuumada soomaaliya ay dooneyso inuu barlamanku u shaqeeyo hase ahaatee wuxu jawaari xusay in ay yihiin labada hay’adood oo kala howl duwan