DHAGEYSO”Abaanduulaha Ciidanka Oo Markii Ugu Horeysay Faah Faahiyey Weerarkii ay Shabaab ku Qaadeen Buulo Mareer

1

Abaanduulaha CIidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed General Cabdulaahi Cali Caanood ayaa markii ugu horeysay ka warbixiyey Weerarkii ururka al shabaab ay ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowlada Iyo Kuwa AMISOM ku lahaayeen Deegaanada Buulo Mareer Iyo Golweyn oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose,waxana uu tafaasiil ka bixiyey qaabka uu weerarkani ku bilawday.

Cabdulaahi Cali Caanood ayaa dhanka kale si kooban uga warbixiyey khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah ee soo gaaray ururka al shabaab iyo iyaga dhinacoodaba.

Ugu danbeyntii abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay warbaahinta ugu soo bandhigi doonaan meydadka rag uu sheegay in ay tirsanaayeen ururka al shabaab oo ay ku dileen weerarkaasi.

Ururka Al shabaab ayaa dhinacooda weerarkan ay ku qaadeen fariisimada ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ka sheegtay in ay guulo ka gaareen isla markaana ay ciidamada AMISOM ka dilee 59 askari hase ahaatee waxaa sheegashadaasi Al shabaab Beeniyey Afhayeenka Ciidamada dowlada Ugandha kaasoo askarta weerarkaasi ugu dhimatay ku sheegay in ay yihiin Askari.

Ururka Al Shabaab ayaa saldhigyo ciidan ku leh meelo badan oo ka tirsan gobolka shabeelaha hoose,halkaasoo dhowr jeer oo hore ay weeraro uga soo qaadeen fariisimaha ay Ciidamada Dowlada Iyo Kuwa Amisom ku leeyihiin Shabeelaha Hoose.

Comments are closed.