Wasaarada deegaanka Puntland iyo Biyo Xireen cusub ka hirgalisay gobolka Sool

0

Qaybo kamid ah gobolka Sool ayaa wasaarada deegaanka iyo isbedelka Cimiladu waxay ka dhagax dhigtay Biyo Xireen weyn kaasoo qorshuhu yahay in lagu hakiyo Biyaha socda.

Deegaan aad ugu dhow magaalada Buuro Waddal oo ka tirsan gobolka Sool ayaa laga hirgaliyey mashruucan waxaana looga danleeyey sidii deegaanka uusan uga dilaacin Boholo waa weyn oo ay sameeyaan Biyaha Socda ee xiliga roobka.

Wasaarada deegaanka ayaa mashruucan ku wareejisay hay,ad lagu magacaabo barwaaqo taasoo muddo 15 Bari ah ku dhisaysa biyo Xireenkan.

Agaasimaha guud ee wasaarada Deegaanka mudane C/casiis Cilmi Koor ayaa xili uu ka hadlayey Mashruucan iyo muhiimada uu leeyahay wuxuu sheegay in lagu ilaalinayo deegaanka sidoo kalana lagu hakinayo biyaha socda ee dhulka waxyeelada u gaysnaya.

Mudane C/casiis Cilmi Koor ayaa ugu baaqay dadka taageeraya Mashruucan inay lacagta u soo fasaxaan Hay,ada maadama ay diyaar u yihiin ayna u dhagax dhigtay wasaarada deegaanka iyo isbedelka Cimiladda Puntland.