Shaqaalaha Golaha shacabka oo 17 maalmood kaddib maanta shaqo gelaya

0

Shaqaalaha Golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta shaqo gelaya kaddib 17 maalmood oo aysan shaqeyn,maaddaama uu saameyn ku yeeshay ,mooshinkii ay iska wadeen guddoonka Golaha shacabka.

Qaar ka mid ah shaqaalaha Golaha shacabka ayaa sheegay in maanta lagu wargeliyay in ay shaqada dib ugu laabtaan kaddib 17 maalmood oo ay ku jireen shaqo joojin iyada oo uu khilaaf ka dhextaagnaa madaxda ugu sarreysa Guddoonka Golaha shacabka.

Dhinaca kale Xarunta Golaha shacabka ayaa waxaa dib loogu celiyay Ciidamadii la wareegay 14kii Bishii la soo dhaafay,markaas oo uu billowday Mooshinkii lagu doonayay in xilka looga qaado Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Maadxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa shalay baajiyay kulankii golaha shacabka oo kale ajende ahaa islamarkaan dhinacyada iskhilaafsan ay warbaahinta isu marinayeen hanjabaad.

Waxaana la isku afgartay in arrinta mooshinka ka dhanka ahaa Guddoomiye Jawaari wadahadal lagu dhameeyo,kaas oo waqtiga uu billaabanayo aan wali la shaacinin.