Heshiisyo dheeraad ah oo ay wada gaareen Kenya & Mozambique.

0

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta waxaa uu ku suganyahay dalka Mozambique ee katirsan Qaaradda Afrika, waxaana isaga iyo wafdiga la socda ay wali kulamo la yeelanayaan madaxda dalkaas.

 

Wasiirada arimaha dibada ee dalka Monica Juma iyo dhigeeda dalka Mozambique Jose Condungua Pachecoayaa ayaa yeeshay kulamo kala duwan oo looga hadlayo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada wadan.

 

Kulanka labada wasiir ayaa ah mid daba socday wada hadalkii ay yeesheen madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo dhigiisa dalka Mozambique Filipe Nyusi, waxaana ay labaduba ku amreen wasiirada arimaha dibada ee labada wadan in ay ka wada hadlaan sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada wadan.

 

Monica Juma ayaa markii ay ka ambabaxeysay dalka waxaa ay ka dhawaajisay qaar kamid ah waxyaabaha ay labada dowladood ka wada hadli doonaan ee ku saabsan ganacsiga iyo iskaashiga dhanka dhaqaalaha.

 

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa isaguna ka hadlay sidii ay isku kaashan lahaayeen golaha shacabka ee dalka Mozambique iyo baarlamaanka dalka si loo kala faa’ido arimaha sharci dajinta ee labada wadan.

Mr Uhuru Kenyatta ayaa ka hadlay faa’iidada ay leedahay in labada aqal ee sharci dajinta ee labada wadan ee Kenya iyo Mozambique ay iska kaashadaan dhan waliba.

 

Kulankii maanta udhaxeeyay wasiirada arimaha dibadda ee dalka Monica Juma iyo dhigeeda dalkaas Pacheco ayaa waxaa lagu heshiiyay in shacabka u dhashay dalkaas ee ku sugan dalka in loo aqoonsado mid kamid ah qowmiyadaha ku nool wadanka-Wamakonde.

 

Labada Wasiir ayaa ku heshiiyay in ciidamada militariga dalkaasi Mozambique in ay tababar ku qaataan xarumaha tababarka ciidamada difaaca dalka ee ku yaala gudaha wadankani Kenya.

Dowlada dalka Mozambique ayaa sidoo kale Kenya ku casuuntay in ay gaaska kasoo dhoofsato dalkaas.