Guddoomiyaha Gobolka oo sheegay degmooyin hor leh in la gaarsiin doono dhismaha Jidka Sodonka (sawiro)

0

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo warbixin ka dhageystay Injineerada ku howlan dhismaha Jidka Sodonka ayaa sheegay in waddadaan la gaarsiin doono deegaanka Xaawa Casir ee degmada Kaaraan.

Dhismaha Jidka Sodonka oo meel gaba gaba ah maraya ayaa waxaa kormeeray Guddoomiyaha Gobolka oo ay wehelinayaan Madax heer Gobol iyo heer Degmo ah, taas oo qeyb ka ahayd la socodka habsamida shaqada iyo tayada laamiga la hirgeliyey.

Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in dadaalka bulshada iyo ganacsatadu ay ku bixiyeen hirgelinta waddadaan ay saldhig u tahay qorsheyaasha kale ee lagu gaarsiinayo degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa.

“Laamigan waa mid ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan Caasimadda, horey waxa uu u dhex mari jiray afar degmo, balse haatan waxaan rajeynaynaa in aan gaarsinno degmooyin hor leh, annaga oo kaashaneyna shacabka, odayaasha dhaqanka iyo ganacsatada.” Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in qurba joogta Soomaaliyeed ay kaalin mug leh ka qaadan karaan dhisidda iyo dayactirka waddooyinka magaalada Muqdisho oo muhiim u ah bilicda caasimadda, abuurista fursadaha shaqada iyo xoojinta dhaq dhaqaaqa ganacsiga.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa kormeerkiisa jidka Sodonka waxa uu dul istaagay dhaq dhaqaaqa ganacsi ee ka hirgalay goobaha uu dhismaha laamigu ka dhammeystirmay, iyadoona bulshada goobahaasi ay la wadaageen wax tarka iyo fursadaha ganacsi ay ka dhaxleen dib u dhiska jidkan.