DHAGEYSO:-Xagee Ku Dambeeyey Gaadhigii Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf ee Garoowe Lagu Dhacay ?

0

Dabley hubaysan ayaa mid kamid ah xaafadaha magaalada Garoowe ka kaxaysteen gaadhi uu leeyahay Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo kamid ah culimada ugu caansan geyiga Soomaaliya, ahna gudoomiyaha jaamacadda Bariga Africa fareceeda Garoowe.

 

Taliska qaybta booliska gobolka Nugaal oo warbaahinta gudaha lahadlay ayaa shaaca ka qaaday in lagu guulaystay in si ammaan ah gacanta loogu soo dhigo gaarigii Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf iyo Raggii kaxaystay oo uu xusay inay Sheekha isku hayb ahaayeen.