DHAGEYSO:-Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Kormeer Ku Tegay Degmooyin Ka Tirsan G/Banaadir iyo Dad loo qabtay Amni Darro.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay waxa uu kormeer ku tegay Isgoysyada qaar ee degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir iyo Xeebta liido ee degmada Cabdul Casiis Magaalada Muqdisho.

Kormeerka ayaa waxaa ku wehlinayey Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyed iyo masuuliyiin kale,waxa ayna tageen goobo ay ka mid yihiin Isgoyska km4 Xeebta liido iyo goobo kale.

Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa Warbxino ka dhageystay Saraakiil uu kula shiray xeebta Liido,kuwaas oo uga warbixiyey howlgalladii u dambeeyay oo ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Gudoomiye ku xiegenka Koowaad ee Amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kormeerka Ra’iisul Wasaaraha uu ka mid ahaa qorsha amniga Caasimadda iyo sidii loo dardar gelin lahaa.