Ciidamada AMISOM oo ka baxay deegaan ka tirsan shabeellaha dhexe

0

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay isaga baxeen deegaanka Cali fooldheere oo hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolkaas.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay inay Amisom isaga baxaan deegaankaas Cali Fooldheere oo ku dhaw Degmada Mahadaay,waxana la sheegayaa in ay u dhaqaaqeen dhanka degmada Mahadaay.

Deegaanka Cali Fooldheere ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa tiro dhowr jeer ka dhacay weeraro kala duwan oo u badan Madaadiic ay ku soo qaadayeen Al-Shabaab.