Akhriso:-Xildhibaanada Jubilee oo taageeray wasiir Matiangi.

0

Waxaa wali siyaabo kala duwan looga hadlayaa qaabka ay dowlada ula dhaqantay qareen Miguna Miguna, kadib markii Isniintii lasoo dhaafay uu dalka dib ugu soo laabtay.

Maalintii Khamiista ee aynu soo dhaafnay ayaa waxaa wasiirka arimaha amniga gudaha dalka Fred Matiangi, taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Joseph Boinnet iyo xoghayaha joogtada ee wasaarada socdaalka dalka Gordon Kihalangwa lagu ganaaxay in ay bixiyaan 200 oo kun oo shilinka dalka ah kiiba kadib markii ay tixgalin waayeen amar kasoo fulay maxkamada oo ahaa in Miguna lasoo daayo.

 

Xildhibaanka Galbeedka Nakuru Samuel Arama ayaa si wayn u difaacay wasiirka arimaha amniga gudaha dalka Fred Matiangi, waxaana uu sheegay in uu si wanaagsan u qabtay shaqada loo igmaday.

 

Xildhibaankaa ayaa sheegay in isaga iyo xildhibaanada Jubilee qaar ay u arkaan in Matiangi uusan wax khalad ah sameynin tan iyo intii uu Qareen Miguna Miguna dalka dib ugu soo laabtay.

 

Mr Arama ayaa ugu baaqay madaxda mucaaradka dalka in ay joojiyaan eedeymaha ay usoo jeedinayaan wasiirka arimaha amniga gudaha dalka Fred Matiangi, waxaana taasi badelkeeda uu ka dalbaday in ay ka shaqeeyaan sidii loo xallin lahaa dhibaatada haysata Qareen Miguna.