Guddoomiyaha Gobolka iyo Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo ka wada hadlay arrimaha Barakacayaasha iyo dhisidda Goleyaasha Degmooyinka (sawiro)

0

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo kulan gaar ah la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michel Keating ayaa u bandhigay Qaramada Midoobey in ay kaalin muhiim ah ka qaadato qorsheyaasha Gobolka ee ku qotoma dib-u-dejinta dadka Barakacayaasha ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ballan qaad rasmi ah oo ku aaddan arrinkan ay ka heleen Madaxda Qaramada Midoobey taas oo qeyb ka noqoneysa sidii xal waara loogu sameyn lahaa dadka Barakacayaasha ah ka hor sanadka 2020ka.

Eng.Yariisow sidoo kale Danjire Keating kala hadlay arrimaha dimuqraadiyeynta ee ku saabsan dhisidda Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Gobolka Benaadir oo hiigsigeeddu yahay in shacabku ay soo doortaan maamulka degmooyinkooda.

“Arrimaha aan sida gaarka ah u daneynayno, dadaalladeenuna ku qotomaan waa in aan u hirgelinno bulshada sidii ay u soo dooran lahaayeen maamulkooda iyo in aan xal u helno Barakacayaasha oo aan rajeynayno in aan ku guuleysanno sidii aan ugu abuuri lahayn nolosha ay naga mudanyihiin.”Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey Michel Keating ayaa ku bogaadiyey Maamulka Gobolka wax-qabadka muuqda ee ay kaga tallaabsadeen xoojinta wada shaqeynta laamaha ammaanka, la dagaalanka musuq maasuqa iyo daadajinta adeegyada asaasiga ah.