Dhageyso”Gudoomiyihii Baladweyne Oo Ka Soo Horjeestay Shaqo Joojintii Dhawaan Lagu Sameeyey

0

Gudoomiyaha Magaalada Baladwweyne Cali Dhuux Cabdi Mahadale oo dhawaan shaqo joojin lagu sameeyey ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada baledweyne wuxuuna ka soo horjeestay hanaanka loo maray shaqo joojintiisa.

Cabdi dhuux ayaa ku eedeeyey maamulka hirshabeelle inuusan waxba ku soo kordhin Magaalada baladweyne iyo guud ahaan Gobolka Hiiraan,waxana uu hoosta ka xariiqay in aysan ka warqabin halka ay ku dhacdo lacagaha canshuuraha ah ee laga qaado magaalada Baladweyne.

Maalmo ka hor ayey ahayd markii wareegto ka soo baxday xafiiska Arimaha Gudaha ee Hirshabelle Shaqada looga joojiyey Gudoomiyaha Magaalada Baladweyne ee maanta warbaahinta la hadlay.