Dhageyso”Koonfur Galbeed Oo ka Hadashay Geerida Xildhibaanad Ruqiyo

0

Barlamanka Maamulka koonfur galbeed soomaaliya ayaa ka hadlay dilkii xalay muqdisho loogu gaystay ruqiyo xasan abshir oo xubin ka ahayd barlamanka Koonfur galbeed soomaaliya

Aweys Xuseen Macalin oo ah Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo qaar ka mid ah idaacada muqdisho la hadlay ayaa xaqiijiyey geerida xildhibaanada,isagoo eebe uga baryey in ay naxariistee jano hesho

XIldhibaanka ayaa xusay in kooxihii dilay xildhibaanada ay baxsadeen, waxana uu hoosta ka xariiqay in ay masuuliyad darro muujiyeen laamaha amniga soomaaliya.

si kastaba ha ahaatee xildhibaanad ruqiyo ayaa noqoneysa xildhibaanadii 4-aad ee koonfur galbeed uga geeriyooda magaalada muqdisho.