Wasiirka arimaha gudaha kenya oo sheegay inuusan soo saarin awaamiir lagu xiraayo baarar.

0

Wasiirka arimaha gudaha Fred Matiangi ayaa sheegay inuusan soo saarin awaamiir lagu xiraayo baarar kuyaala Kiambu.

Wuxuu sheegay inaysanba jirin awaamiir baarar lagu xiraayo meel kastaba dalka hakaga yaalaane. Wasiirka ayaa beeniyay warar soo baxay shalay oo sheegayay in awaamiirtaasi uu soo saaray lagu xiraayo baarar si degdeg ah.

Laakiin wuxuu wasiirku sheegay in baarar horay loo xiray ay ama ku shaqeynayeen si geyru sharci ah ama ay gadayeen aalkolo aan caafimaadka u wanaagsanayn.

Wuxuu sheegay in dhammaan baararka sharuudaha waafaqa aanan la xiri doonin balse loo ogolaan doono inay sii shaqeeyaan.

Kenya ayaa waxaa ka mamnuuc ah khamriga qaarkii sida kan macmalka ah ee lagu sameeyo xaafadaha loona yaqaano busaa ama changaa.

By: mohamed somali.