Ardayda wax kabarta jaamacada Kisii oo baaq usoo jeediyay dowlada

0

Ardeyda wax kabarta jaamacada Kisii University ayaa maanta baaq usoo jeediyay dowlada dalka, ayaga oo ka codsaday in ay soo afjrto shaqa joojinta barayaasha jaamacadaha dowlada wadanka.

 

Ardeydaas ayaa ka digay banaanbaxyo waawayn hadii dowlada aysan sida ugu dhaqsiiyaha badan usoo afjarin shaqa joojinta ay ku guda jiraan barayaasha jaamacadaha dowlada dalka oo maanta gashay maalinkii 21-aad.

 

Hoggaamiyaha Ardeyda jaamacada Kisii Peter Kuria ayaa ku eedeeyay dowlada dalka in ay si wayn uga caga jiideyso in ay dhaqangaliso heshiiskii gorgortanka ee horaan loo wadagalay ee 2017-ka ilaa 2021-ka.

 

Ardeyda ayaa sheegay in waqti badan ay ku qaadanayaan fasalada islamarkaan ay xukuumadda ka doonayaan in sida ugu dhaqsiiyaha badan ay shaqa joojintani usoo afjaraan.

 

Ardeyda jaamacada Kisii ayaa sheegay in shaqa joojinta baryaasha jaamacadaha dowlada dalka in ay ku khasabtay in ay waayaan wax ay qabtaan, maadama aysan jirin fasaladii ay markii hore ku mashquuli jireen.

 

Hadalka kasoo yeeray Ardeydan ayaa waxa taageeray xoghyaha ururka barayasha jaamacadaha dowlada dalka laantooda countiga Kisii Moses Nyandusu, waxaana uu Ardeyda ka dalbaday in ay taageeraan shaqa joojinta ay ku dhaqaaqeen baryaasha jaamacadaha wadanka.

Shaqo joojintan ayaa soo noqnoqotay in muda ah, waxaana dowlada laga codsanayaan in ay go’aan ka gaarto sida ugu dhaqsiiyaha badan.

By:mohamed somali.