Akhriso:-Nairobi Dhisme ka koobnaa 4 dabaq oo la dumiyay

0

Dhisme ka koobnaa 4 dabaq ayaa maanta lagu dumiyay deegaanka Roysambu ee Nairobi, kadib markii la ogaaday in uu halis ku yahay shacabka.

Dowlada dalka kenya ayaa calaamadeysay inkabadan 1400 oo dhismo oo la sheegay in si sharci dara ah lagu dhisay, waxaana xukuumadda ay maalma kahor bilowday in ay dumiso.

Dhismahan maanta la dumiyay ee ka koobnaa afarta dabaq ayaa laga soo saaray shacabkii daganaa 87-qol oo uu dhismahaasii ka koobnaa, waxaana la sheegay in qwalab aan wanaagsnayn lagu dhisay islamarkaana ay fududahay in uu dumo.

Tani ayaa kusoo beegmeysaa iyadoo roobabkii cuslaa ee ka da’ayay dalka ay sababeen in dhismayaasha qaar ee ku yaalay caasimada dalka ee Nairobi ay soo dumaan.

Sikastaba hanoqote
Laanta qaran ee uqaabilsan dhismayaassha dalka ayaa wacad ku martay in ay dumin doonto dhamaan dhismayaasha sida sharci darada ah lagu dhisay ee khatarta ku ah shacabka kenyan ka ah.

By: mohamed somali.