Akhriso:-Dadaalkii ugu dambeeyay ee Raila uu ku badbaadinaayo shaqada Wetangula.

0

Haatan ayaa waxaa socda dadaalkii ugu dambeeyay ee Raila uu ku badbaadinaayo shaqada Wetangula.

Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa la wadaa inuu la kulmo senator-da mucaaradka. Kulankaan ayaa imanaya labo maalmood kabacdi markii la sheegay in lagu baddalay James Orengo oo la siiyay xilkiisii hoggaamiyenimada senator-ada laga badan yahay.

 

Shirka ayaa qeyb ka ah dadaalkiisii ugu dambeeyay ee Raila uu ku doonayo inuu ku badbaadiyo jagadaasi Wetangula si aanan loo siin James ama loogu celiyo Mr Wetang’ula.

Dhibaatadaasi ayaa ku timid khilaaf soo kala dhex galay NASA wixii ka dambeeyay kulankii madaxweyne Uhuru iyo Raila ee Harambee House. Kulanka Uhuru iyo Raila ayaa dhacay 19kii bishaan.

 

Sidoo kale ayaa senatoradu waxay sheegeen in Wetangula uu si khaldan ula tacaamulo jaalkiisa ay aqalkaasi senate ka wada tirsan yihiin.

Xisbiga ODM ayaa loo arkay inuu axsaabta kale ee NASA ka horeeyo taasoo keentay in Musalia Mudavadi iyo Kalonzo iyo weliba Wetangula ay yara caroodaan.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaad moodaa in Raila uu abuurayo ama raadinaayo waan waan in wax lagu dhammeeyo iyo samo doonimo shirkaan maanta ah kadibna laisku dayo sidii Wetangula meeqaamkiisii uu ku dhex lahaa aqalkaasi dib loogu celin lahaa.

 

By: mohamed somali