Dowlada Qadar Oo Iminka Xiriir aad u fiican la leh dalka soomaaliya ayaa Xasan Xamza Asad Haashim u magacawday safiirkooda soomaliya u fadhiya ,waxana uu horey u ahaa Sii Hayaha Safaaradda Qatar ee Muqdisho.
Wareegto ka soo baxday xafiiska Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani ayaa lagu daabacay in haatan wixii ka danbeeya safiirkooda soomaaliyaXasan Xamza Asad Haashim u fadhiga uu yahay
Qunsulkan cusub ee ay Dowlada Qadar u magacawday inuu soomaaliya u fadhiyo ayaa sanadihii u danbeeyey ka howlgalayey xafiiska safaarada qadar ay ku leeyihiin magaalada muqdisho,isagoo aqoon durugsan u leh la macaamilka madaxda soomaalida.
Wareegtada ayaa sidoo kale lagu sheegay in danjiraha qadar ee soomaaliya uu awood u leeyahay meel marinta heshiisyada labada dowladood ay kala gaaraan.