Maamulka HirShabelle ayaa u joojiyey Cabsi Amni awgeed Dacwadihii ay qaadi jireen Garsoorka Gobolka Sh/Dhexe.
Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Sh/Dhexe Sheekh Axmed Xaaji Ibraahim ayaa sheegay inay jiraan dad Hubeysan oo Dacwadaha hadii laga xukumo dhankooda ay Amni ahaan Saameyn keeni karto.
Waxa uu tibaaxay Sheekh Axmed in iyadoo Taasi laga duulayo si Amniga uusan u saameyn ay Wasaarada Cadaalada HirShabelle Hakisey Dacwadaha la xiriira Dhulka.
Sidoo kale Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame oo ka mid ah Baarlamaanka HirShabelle ayaa qiray inay jiraan Caqabado ballaaran oo heysta Garsoorka Sh/Dhexe.