Al-shabaab oo Qarax La Beegsaday Kolanyo Mareykan Iyo Soomali

0

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada Hoose waxey sheegayaan in duleedka magaaladaasi qarax lagula beegsaday kolanyo isugu jirta ciidamada Ciidamo Cadaan ah oo Mareykanka ah iyo Ciidamada Maamulka Jubbaland.

Qaraxaan waxa uu sigaar ah kaga dhacay agagaarka deegaanka Buulo gaduud oo kamid ah deegaanada hoostaga magaalada Kismaayo,dhawaqa qaraxa waxaa si aad ah looga maqlay deegaano badan oo hoostaga magaalada Kismaayo.

Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxa laga helayo waxey sheegayaan in qaraxa uu burburiyay mid kamid ah gaadiidkii ay wateen kolanyada isugu jirtay Ciidamo American-ka iyo Ciidamada Maamulka Jubbaland.

Wali wax faafahin ah Laga ma hayo Khasaaraha Qaraxaas kasoo gaaray Ciidamada Cadaanka ahaa iyo Kuwa jubbaland.

Al-shabaab ayaa baraha internetka ay ku leeyhiin Ku sheegtay Masuuliyada Qaraxa Lala beegsaday Ciidamadaas.

Shabaabka Waxaa ay sheegeen in dhimasho iyo Dhaawac Qaraxaasi ay ku noqdeen tiro askar ah,qaraxan waxa uu imaanayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Al-shabaab ay weerar qorsheysan ay ku qaadeen saldhiga Ciidamada Dowlada ay Ku leeyihiin Buundada degmada Baardheere ee gobalka Gedo.