Akhriso:-Dagaal Ka Dhacay Deegaanka Buurdhuubo ee Gobolka Gedo

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Ciidamadda Maamulka Jubbaland iyo Al-shabaab xalay ku dhex maray deegaanka Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

Dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday Saldhig Ciidamadda Maamulka Jubba-land ay ku lahaayeen deegaanka,waxaaan halkaas ka dhacay dagaal xoogan oo qaatay muddo saacad ah.

Gudoomiyaha degmada Buurdhuubo Xasan Muxumed Cali  ayaa sheegay in Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerar culus kusoo qaadeen deegaanka.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Ciidamadda Jubba-land ay iska difaaceen, islamarkaana uusan jirin wax khasaaro ah oo dagaalka kasoo gaaray.

Dhanka kale Al-shabaab oo dagaalkaan ka hadlay waxa ay sheegeen in Ciidamadooda ay cagta mariyeen saldhigyo melleteri oo dhinacyada Jubbaland iyo Ciidamadda Ethopia ay ku lahaayeen degmada Buurdhuubo