Shacabka Muqdisho Oo Ka Hadlay Khilaafka SIyaasadeed Ee Ka Dhashay Mooshinka Jawaari

0

Shacabka ku nool magaalada muqdisho ayaa ka warbixiyey aragtidooda ku aadan sida ay u arkaan khilaafka siyaasadeed ee uu dalku galay maalmihii ugu danbeeyey.

Khilafkan oo aan la ogayn halka rasmiga ah ee uu salka ku hayo ayaa ka dhashay mooshin laga keenay gudoomiyaha barlamanka soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,kaasoo la laalay isla markaana  ay ka soo horjeesteen mudanayaashii keenay kalkii hore oo ku andacoonaya.

Shacabka soomaaliyaa yaa ka hadalka arintan si aad ah ugu falanqeynaya maalmahan baraha bulshada iyo goobaha kale ee ay dadku isugu yimaadaan,waxana ay ayaan darro ku tilmaameen in kalfadhiga 3-aad ee barlamanka uu ku bilawdo khilaaf iyo mooshino iska soo horjeeda.

Caasimada Bulshada ku nool ayaa khilaafkaasi ku eedeeyey dowladaha danaha gaarka ah ka leh soomaaliya,waxana xukuumada ay ka dalbadeen in ay Faragalinta ka deyso golaha sharci dajinta oo ka dhigan Barlamanka Soomaaliya.