Sarkaal Al Shabaab Ka TIrsanaa oo Dowlada Isku Soo Dhiibay

0

Sarkaalkaan oo Al-shabaab u qaabilsanaa sameynta miinooyinka iyo qaraxyada waa weyn ayaa lagu magacaabaa Caddow Macalin Isxaaq, waxaana uu isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaana Taliska Qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka.

sarkaalkan ayaa si gaar ah Alshabaab ugu qaabilsanaa gobolada Jubbada Hoose, Baay, Bakool, Gedo, Banaadir iyo deegaano ka mid ah gobolada dhexe ee dalka.

Caddow Macalin Isxaaq ayaa sheegay in isaga iyo dhalinyaro kale oo ka bar bar dagaalamaysey Al-shabaab si gaar ah ay u taabatay weerarkii 14-October ee Isgoyska Zoobe, taasina ay keentay in dhalinyaro badan ka tanaasulaan fikirkaas guracan

“Waxaan marqaati kasoo noqday in ay been abuur tahay in Al-shabaab ay diin u dagaalamayaan, si arxan daro ah ayey u laayaan dadka Soomaaliyeed, taas ayaana garanay aniga iyo dhalinyaro kale oo hadda isku dayaya iney isaga soo tagaan”ayuu yiri Caddow Macalin Isxaaq.

Abaanduulaha Qeybta 60-aad  ee Ciidanka Xoogga Dalka Ismaaciil Khaliif Shire ayaa uga baaqey raga weli ka barbar dagalamaya Al-Shabaab in ay ku daydaan sarkaalkan isla markaana ay dowlada isku soo dhiibaan

Xigasho VOA Somalia Office In Mogadishu