Meydka Wiil Iyo Aabihii Oo maanta Laga Helay Tuulada Fax-Fax Dhuun

0

Wararka ka imaanaya gobolka gedo ayaa sheegaya in maanta tuulada fax-fax dhuun laga helay meydka wiil iyo aabihii oo lagu kala magacaabi jiray Cabdi Xaashi Cabdulle iyo Farxaan Cabdi Xaashi.

Labada Marxuum ee Meydkooda Maanta Laga Helay Fax-Fax Dhuun ayaa bilawgii sanadkan laga soo afduubtay sarinleey oo hoostagta Magaalada Madaxda Gobolka Gedo ee Baardheere.

Dadka ku nool dagmada sarinleey ayaa inoo xaqiijiyey in mudadaasi aan war iyo wacaal toona laga helin wiilka iyo aabihii, isla markaana maanta meydkooda laga soo sheegay tuulada Fax-Fax Dhuun oo 8km U jirta Baardheere.

Dhacdadan waxaa aad uga murogooday qeybaha bulshada ku nool Baardheere,iyadoo si aad ah looga hadal hayo gudaha magaalada,waxana si rasmi ah loo ogayn cidii ka danbeysay falkaasi lagu dilay marxuum Cabdi Xaashi Cabdulle iyo Wiilkiisa Farxaan Cabdi Xaashi.