Madaxa DP World” Jabuuti Iyo Soomaaliya Ayaa Caqabad Ku Ah Horumarka Aan Ka Wadno Afrika”

0

warbixin ka soo baxday shirkadda DP World ayaa lagu sheegay in dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya ay cabaqad wayn ku yihiin horumarada iyo maalgalinta ay qaaradda afrika ka sameynayso  Shirkadda DP World.

Axmed bin Suleymaan oo ah madaxa shirkadda DP World ayaa sheegay in Jabuuti ay ku xadgudubtay heshiiskii ay la galeen, asagoona intaasi sii raaciyay in dowladdu ay lawareegtay hanta ay Leeyihiin dadka shacabka ah.

Jabuuti ayaa bishii la soo dhaafay soo afjartay qandaraaskii ay lagashay shirkadda DP world, waxa ayna shirkadda DP World go’aankaas ay gaartay dowladda Jabuuti ku tilmaamtay sharci daro.

Axmed bin Suleymaan oo ah madaxa shirkadda DP World ayaa sheegay in dowladda Jabuuti uu maxkamad kaga furay magaaladda London ee caasimadda dalka Ingiriiska.

“Afrika waxa ay u baahantahay maalgalin iyo dhisida kaabayaasha dhaqaale si ay u soo jiidaato in lagu sameeyo maalgashi caalami ah ayuu hadalkiisa sii raaciyay Axmed bin Suleymaan oo ah madaxa shirkadda DP World

Isbuucii aynu soo dhaafnay ayay ahayd markii baarlamaanka soomaaliya ay si aqlibyad leh ee dalka kaga mamnuuceen in ay kasii hawlgasho shirkadda DP World.