Ciidamada Ahlu suna oo duleedka Dhuusamareeb ku soo qabtay Hub & Odoyaal

0

Ciidamada Amaanka Maamulkii Ahlusuna Ee Gobolada dhexe ayaa Howlgalo Shalay ilaa Maanta ay ka Sameeyeen Deegaano Hoostaga Magaalada Xarunta u ah Maamulka Galmudug Ee Dhuusamareeb ku soo qab qabtay Odayaal iyo Hub ka dib Dagaal Beleed ka dhacay Deegaano Hoostaga Degmadaasi.

Howl-galkaan ayaa intii uu Socday Ciidamada Waxaa u Suurta Gashay in ay Gacanta ku soo dhigaan ilaa 9 Oday dhaqameed oo ka mida Odayaasha Beelaha Diriray Sidoo kale waxa ay Gacanta ku Soo Dhigeen Hub aad u Fara badan oo ay ka soo Bixiyeen Guryo ku Yaala Dhowr Deegaan oo uu Ciidamadu Howl gal Ay Ka  Saameeyay.

Ciidamada ayaa Howl-galkaan ka Sameeyay Deegaanada Xananbuure, Bohol, iyo Mirig oo ka tirsan Gob, Galguduud Ee Bartamaha Soomaaliya.