Akhriso:-Somalia oo ka qeyb galeysa Shir looga hadlayo sida loo xalin karo khilaafka soo kala dhax gala Hay`adaha Dowlada

0

Magalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti ayaa lagu soo gaba gabeeyay shir looga hadlayay sidii loo xalin lahaa marka uu khilaafa soo ka dhax galo hay`adaha Dowladaha, shirkaas ayaa waxaa kasoo qeyb galay in kabadan 15 wadan oo afrika ah.

Dowlada Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka qeyb gashay shirkaas oo ay ku mataleyn xubno ka socda Wasaarada Cadaalada Xukumada Fedraalka Soomaaliya, waxaana xubnihii ka qeyb galay tilmaameyn in shirkaasi uu yimid xili khilaaf uu ka dhax taaganyahay hay`adaha Dowlada, ayna wax badan ay ka barteen sidii loo xalin lahaa khilaafyada nuucaan oo kala ah.

Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb galay Wadamo badan oo Afrikaan waxaana ka mid ah:- Soomaaliya, Kenya, Uganda, Masar, Liibiya iyo kuwoo kale.