Akhriso:-Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya oo Xarumo Ciidan Kedis Ku Kormeeray

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuuymadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo uu wehliyo taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xalay kormeerey Ciidan si gaarka ah loogu diyaariyey in ay fuliyaan howl gal qorshaysan lagu qaadayo deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab,kuwaasi oo lagu diyaariyay Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin ku aadan diyaar garowga ciidanka ka dhageystay Sarakiisha hoggaaminaysa waxa uuna u muujiyey tageero,isagoo ku hadlayey magaca madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Khayre iyo saraakiisha la socotay ayaa waxa uu booqdeen saldhigga Degmada Hodan,isagoo u kuurgalaya sida ay u socdaan howlaha lagu xaqiijinayo amniga,wuxuuna warbixin amniga la xiriirta uu ka dhageystay saraakiisha booliska gaar ahaan taliyaha Saldhigga.

kormeerkaan uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa qeyb ka ah fulinta qorshayaasha Xukuumadda oo Amnigu uu ugu horeeyo,habeen hore ayuu raiisul Wasaare Khayre iyo Guddomiyaha Gobolka Banaadir waxaa ay kormeereen xarumaha ciidamada ay ku leeyihiin degmada Hilwaa ee Gobolka Banaadir.